Xildhibaan Cali Nuur Boodaaye oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in mooshinka laga keenay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, aanu ahayn mid loo soo maray wadadii sharciga ahayd, islamarkaana aan laga soo fiirsan.
Waxa uu sheegay in qodobada ay la yaabeen ay tahay eedeyn loo jeediyay madaxweynaha Sheekh ay kasoo billawdeen 2012-kii, islamarkaana soo bandhigista xilligaan ay u arkeen mid siyaadeesan ee aanu ahayn mid shacabka loogu turayo.
“Eedeymaha loo soo jeediyay madaxweynaha waa kuwo kasoo billaabanaya markii uu xilka qabtay, fulinta ma ahan kaliya madaxweynaha, qaladaad la galay xilligaasi hadii ay jiraan, baarlamaankana uu leeyahay awood ah inuu kormeero wasaaradaha maxaa xilligaasi wax looga qaban waayay oo la’iskula sugaayay, waxaa mooshinkaan laga leeyahay dano siyaasadeed mana ahan mid ku yimid nidaamkii loo baahnaa” ayuu yiri Xildhibaanka.




From the comments