Ganacsade Donald Trump ayaa sheegay in Qaxootiga Suuriya ee ku sugan Mareykanka uu dib ugu celin doono dalkooda haddii isaga Madaxweyne loo doorto.
Ninka billionaire-ka ah waxaa uu u tartamayaa Xisbiga Jamhuuriga, Aftiyada laga qaado xiligan isaga ayaa ku horeeya dhanka jamhuuriga, ninkan ayaa ku tartamaya lacagtiisa.
Donald Trump ayaa u sheegay dad taageerayaashiisa ah in uu maqlay in dalka Mareykanka la keeni doono ilaa 200,000 oo qaxooti ah isagoo intaa raaciyay dadkaasi laga yaabo in ay ka tirsan yihiin Daacish ama argigixisada.




From the comments