Kulan maanta magaalada Muqdisho ku dhexmaray wafti ka socda guddiga difaaca iyo arrimaha dibada ee Kenya iyo dhiggooda Soomaaliya ayaa waxaa looga wada hadlay xiriirka labada dal, iyo waliba sare u qaadista isu socodka.
Kulanka oo ay ka qeybgaleen safiirka Soomaaliya ee Kenya Jamaal Maxamed iyo Safiirka Kenya ee Soomaaliya u fadhiya Jeneraal Lucas Kyonze Tumbo ayaa waxaa la’isla afgartay sidii loo fududeyn lahaa fiisaha dadka Soomaaliyeed ay ku galaan dalka Kenya.
Dhanka kale Aweys Cabdulahi Ibraashim Xog-hayaha guddiga arrimaha dibadadda ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa xusay in arrimhii laga wada hadalay la isku raacay in la xoojiyo wada shaqeynta labada baarlamaan, isla markaana wafdi ka socda Baarlamaanka Soomalliya ay tegi doonaan dhawaan dalka Kenya.




From the comments