Xildhibaan Maxamed Xasan oo ka mid ah mudanaayasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu baaqay dhinacyadii ku dagaallamay deegaanada Deefow iyo Kabxanley ee gobalka Hiiraan in ay nabadda qaataan oo dagaallada joojiyaan.
Xildhibaan Maxamed ayaa u sheegay Goobjoog News in ay jireen guddiyo loo xilsaaray sidii Dadku xal u gaari lahaayeen, lana doonayo in nabadda la wada qaato.
“Waa arin laga xumaado in Hiiraan ay colaad intaan ka socoto, waxaa dhici jirtay in degdeg wax walba lagu xaliyo, dadaalka hadda wuu socdaa, waxaana ka war hayay hadda in meeshii ugu dambeysay ay jirtay, gudiyana loo saaray in dagaallada la xaliyo” ayuu yiri Xildhibaanka.




From the comments