Guddomiyaha cusub ee dhowaan loo magacaabay gobolka SHabeelaha DHexe Cali Cabdullahi Xussein ayaa maanta gaaray xarunta gobolkasi ee Jowhar.
Wafdiga guddomiyaha ayaa waxa magaalada ku soo dhoweeyey Injineer Cabdi Jiinow Calasoow oo ah guddoomiyihii xilka laga qaaday, Maxamed Amin Cisman guddoomiyaha degmada Jowhar iyo qaybaha kala duwan ee bulshada degmadaasi.
Guddomiyaha maamulka gobolka SH.DHexe ayaa ka hor inta uusan soo gaarin magaalada Jowhar waxaa uu soo maray degmada Balcad, halkaas oo uu kula kulmay maamulka degmada.



From the comments