Wararka saaka laga helayo degmada Warta-nabadda ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay halkaasi lagu toogtay saddex qof oo ka mid ahaa dadka deegaanka.
Dilkan ayaa dhacay xilli dadkaasi dubnad ay ku ciyaarayeen meel u dhaxeysa degmooyinka Warta-nabada iyo Boondheere ee Muqdisho.
Sababaha beegsiga dadkan ayaa la sheegay in ay ahayd iyada oo goobta uu fadhiyay sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.



From the comments