Ku simaha Ergeyga Gaarka ah ee Dawlada Maraykanka u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Brian H.Phipps ayaa soo dhaweeyey heshiiskii 30-kii Luuliyo lagu saxiixay magaalada Muqdisho, heshiiskaas oo ku saabsanaa sidii maamul loogu samaynlahaa gobollada dhexe ee Soomaaliya.
Dawlada Maraykanku waxay bogaadinaysaa shaqada fiican ee ay hogaamiyayaasha qaybaha kala duwan ee arintan kusoo jiray sameeyeen.
“Dawlada Maraykanku waxay soo dhoweyneysaa heshiiskan taariikhiga ah waxayna rajaynaysaa in horumar laga gaaro sidii maamul loo samayn lahaa,” ayuu yiri Ku simaha Ergeyga Gaarka ah.



From the comments