Safiirka cusub waxaa uu sheegay in howsha ugu horreysa ee uu qabanayo ay tahay sidii uu furi lahaa xafiiska safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka,waxuuna inta ku daray inuu si weyn ugu faraxsan yahay sida loo fududeeyay howsha magacaabiddiisa, ayna isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo bisha Ogoosto ee soo socota booqan doona Mareykanka ay kala hadli doonaan Barack Obama waxyaabaha muhiimka ah ee dowladda Soomaaliya ay doonayso in xilligan laga caawiyo.
“Ma jirto wax safaarad ah iyo meel an ku shaqeyno balse howshena ugu horreeysa ayaa noqon doonta sidii aan xafiiskii aanu ku shaqeyn lahayn u furi lahayn, una qori lahayn shaqaalihii ka shaqeyn lahaa safaaradd, markaas kaddib ayaan ka hadli doonnaa sababihii keenay in la iibiyo dhismihii safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka aan ku lahayn.” ayuu yiri Sharrma’arke.
Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh ayaa dhawaan u magacaabay ra’iisal wasaarihii hore ee dalka,Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke danjire Soomaaliya u fadhinaya Washington .
Ujeedadda magacaabista muddo 23-sanno kaddib ay dowladda Soomaaliya safiirka ugu magacaabaray Marekanka waxaa lugu sheegay mid lugu xoojinayo xiriirka labada dal,maadaama Marekanku uu ka mid yahay dalalka taageera dowladda dhexe.
From the comments