Munaasabad lagu sagootinayay safiirkii dalka Turkiga ee Soomaaliya Cemalettin Kani Torun oo ay ka soo qeyb galeen madax ka kala socota jaamacadaha dalka ayaa xalay lagu qabtay magaalada Muqdishu.
Daahir Xasan Carab oo ah guddoomiyaha SomaliREN ayaa uga mahad celiyay danjire Kani dadaalkiisii uu ku bixiyay caawinta dadka Soomaaliyeed. Isagoo ku hadlayay magaca SomaliREN oo ay ku mideysan yihiin jaamacado badan oo Soomaaliyeed ayaa yiri “Shaqooyinka ay qabteen (Turkigu) waxay isugu jireen inay jidad dhisaan, inay isbitaalo dhisaan inay waxbarashada ka shaqeeyaan, iyo inay mashruucii ugu horreeyay ee bani’aadamnimo ay fuliyeen abaartii dhacday 2011kii, Xilligii uu danjiruhu xafiiska joogay dowladda Turkigu waxay taageero ad u ballaaran siisay shacabka Soomaaliyeed si guud si gaar ahna bahda waxbarashada”
Dowladda Turkiga ayaa sanihii la soo dhaafay Soomaaliya ka hirgalisay mashaariic horumarineed oo aad u ballaaran, kuwaas oo lagu dhisay Isbitaallo, Goobo Waxbarasho iyo Waddooyin. Sidoo kale Turkigu wuxuu deeq waxbarasho siiyay kummanaan arday oo Soomaaliyeed.






From the comments