Qoysas dan yar ah oo ku dhaqan degmada Cabdi Casiis ee gobolka Banaadir ayaa ka faa’iidaystay raashin bisil oo afur iyo casho ah kaasi oo ay bixinaysay Bisha Cas ee dowlada Imaaraadka Carabta si loo quudiyo dadka tabaalaysan ee aan haysan waxay ku afuraan xili lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.
Ugu horeyn guddoomiyaha degmada Cabdulcasiis Cismaan Muxyadiin Xasan oo madasha ay ka socotay qaybinta raashinka afurka ah ayaa sheegay inay si weyn u soo dhawaynayaan aadna uga mahad celinayaan kaalmadan ka timid Bisha Cas ee dowladda Imaaradka Carabta.
Cismaan Muxyadiin Xasan guddoomiyaha degmada Cabdulcasiis ayaa sidoo kale tilmaamay inay jiraan baahiyo fara badan oo xagga Asaasiga ah, waxaana uu tilmaamay in afurkan la siiyo ilaa 100 qoys oo ah dadka aadka u liito dhaqaalahoodu oo aan iska bixin Karin waxay quutaan.









From the comments