Goobjoog

Nicolás Maduro ma wuxuu ka Fikirayaa inuu Qaato Diinta Islaamka?

Madaxweynihii hore ee dalka Venezuela, Nicolás Maduro, ayaa la sheegay inuu xoogga saarayo barashada diimaha kala duwan, xilli uu ku xiran yahay xabsi ku yaalla magaalada Brooklyn ee dalka Mareykanka, halkaas oo uu ku sugayo maxkamadeyntiisa.

Nicolás Maduro ma wuxuu ka Fikirayaa inuu Qaato Diinta Islaamka?

Madaxweynihii hore ee dalka Venezuela, Nicolás Maduro, ayaa la sheegay inuu xoogga saarayo barashada diimaha kala duwan, xilli uu ku xiran yahay xabsi ku yaalla magaalada Brooklyn ee dalka Mareykanka, halkaas oo uu ku sugayo maxkamadeyntiisa.

Arrintan ayaa dhalisay hadal-hayn ku saabsan suurtagalnimada inuu isbeddel ku sameeyo fikirkiisa diimeed, kaddib markii la ogaaday inuu waqti badan ku bixiyo akhrinta Qur’aanka Kariimka ah iyo Baybalka.

Warbixin uu baahiyay wargeyska Mareykanka ee The New York Times ayaa sheegaysa in Maduro uu inta badan waqtigiisa xabsiga ku qaato akhrinta kutubta diimaha iyo qoraallada falsafadda, isaga oo sidoo kale kulamo la yeeshay culimo diimeed oo kala duwan, kuwaas oo ay ku jiraan wadaad Masiixi ah iyo Rabbi ka tirsan diinta Yuhuudda.

Xiisaha uu Maduro u qaaday Qur’aanka Kariimka ah ayaa si gaar ah u soo jiitay dareenka dadka la socda xaaladdiisa, waxaana arrintani dhalisay su’aalo ku saabsan in hoggaamiyihii hore ee Venezuela uu ka fikirayo inuu qaato Diinta Islaamka.

Maduro ayaa hore loogu yaqaanay xariirka uu la lahaa dhaqamada iyo kooxaha diimeed ee kala duwan, isaga oo intii uu siyaasadda ku jiray muujin jiray xiriir dhow oo uu la leeyahay Masiixiyadda, balse xiisayntiisa cusub ee Qur’aanka iyo kutubta kale ee diimaha ayaa noqon kara qayb ka mid ah raadinta faham ruuxi ah oo ka duwan noloshii uu hore u soo maray.

Dhanka kale, warbixinta ayaa sidoo kale xustay in Maduro uu si weyn u miisaanka dhimay tan iyo markii uu xabsiga galay, iyadoo dadka xog-ogaalka u ah xaaladdiisa ay qayb ka mid ah arrintaasi ku sababeeyeen cuntada xabsiga oo aan wanaagsanayn.

Isbeddelka noloshiisa xabsiga ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay habka uu waqtigiisa u isticmaalo, isaga oo hadda waqti badan gelinaya akhriska iyo arrimaha diinta.

inkasta oo akhrinta Qur’aanka Kariimka ah iyo kulamada uu la yeeshay culimada diimaha kala duwan ay muujinayaan xiisaha uu u qabo Diinta Islaamka, haddana weli lama hayo caddeyn muujinaysa inuu go’aansaday inuu qaato Diinta Islaamka.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments