Goobjoog

Turkiga oo Laba Markab-Dagaal U Soo Diraya Soomaaliya

Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa shaacisay in labada markab-dagaal ee TCG Gökçeada iyo TCG Yıldırım ay safar ku soo aadayaan Soomaaliya, iyagoo qaadaya sahay isla markaana fulinaya beddelka shaqaalaha ku jira howlaha loo xilsaaray.

Wasaaraddu waxay sheegtay in labada markab ay 30-ka Oktoobar billaabayaan socdaalkooda Soomaaliya, ayadoo bayaanka laguma faahfaahin nooca sahayda ay sidaan, shaqaalaha la beddelayo, goobta ay ku wajahan yihiin iyo taariikhda ay dalka soo gaarayaan.

TCG Gökçeada iyo TCG Yıldırım waa maraakiib nooca firgeetada ah oo ka tirsan ciidamada badda Turkiga, ayadoo Socdaalkoodu uu kusoo beegmayaa xilli Ankara ay ballaarinayso iskaashiga dhinacyada difaaca, tababarka ciidamada iyo ilaalinta xeebaha Soomaaliya.

Maraakiibta dagaalka Turkiga ayaa hore uga qaybqaatay ilaalinta howlaha badda, tababarka ciidamada Soomaaliya iyo sugidda maraakiibta taageerta sahminta tamarta.

Sahay-qaadista iyo beddelka shaqaaluhu waxay muujinayaan in howlaha ciidamada badda Turkiga ee ku wajahan Soomaaliya ay sii socdaan, ayadoo aan faahfaahin mudada ay maraakiibtani joogayaan Soomaaliya.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments