Goobjoog

Sudan oo Fiiso u Diiday Madaxa Sirdoonka Itoobiya oo Doonayay Booqasho Degdeg ah

Dowladda Sudan ayaa la sheegay inay fiiso gelitaan u diidday Redwan Hussein, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka Itoobiya, kaas oo codsaday inuu booqasho degdeg ah ku tago…

Sudan oo Fiiso u Diiday Madaxa Sirdoonka Itoobiya oo Doonayay Booqasho Degdeg ah

Dowladda Sudan ayaa la sheegay inay fiiso gelitaan u diidday Redwan Hussein, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka Itoobiya, kaas oo codsaday inuu booqasho degdeg ah ku tago dalkaas.

Sida uu qoray wargeyska Al-Karama oo soo xigtay ilo diblomaasiyadeed oo sar-sare, Redwan Hussein ayaa codsi u gudbiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sudan, si loogu oggolaado inuu si degdeg ah dalka u galo, hase yeeshee dowladda Sudan ayaa diidday inay fiisaha siiso.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Sudan iyo Itoobiya, iyadoo dowladda Sudan ay Addis Ababa ku eedeysay inay taageerto ciidamada RSF ee dagaalka kula jira milateriga Sudan ee uu hoggaamiyo Jeneraal Cabdifataax Al-Burhan.

Lama shaacin sababta rasmiga ah ee uu Redwan Hussein u doonayay inuu booqashada degdegga ah ku tago Sudan, mana jirto faahfaahin dheeraad ah oo laga bixiyay jawaabta dowladda Itoobiya ee arrintan.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments