Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Masar iyo Jabuuti ayaa mar kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay in mas’uuliyadda amniga iyo maamulka Badda Cas ay gaar u ahaato dalalka ku teedsan xeebaha Badda Cas, iyagoo carrabka ku adkeeyay ilaalinta madax-bannaanida iyo danaha dalalka gobolka.
Arrintan ayaa lagu soo qaaday kulamo gaar gaar ah oo magaalada Tripoli ee dalka Liibiya ku dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty, dhiggiisa Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Cabdulkadir Xuseen Cumar.
Kulamada ayaa ka dhacay shirkii 22-aad ee Golaha Fulinta ee Ururka Bulshada Dalalka Saaxilka iyo Saxaraha (CEN-SAD), kaas oo ay wasiirradu uga wada hadleen xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee gobolka Geeska Afrika iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed.
Kulankii uu la yeeshay wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Wasiirka Masar ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, horumarinta iyo maalgashiga. Waxa uu sidoo kale xaqiijiyay taageerada Masar ee dhismaha hay’adaha dowladda Soomaaliya iyo kobcinta awooddooda shaqo.
Masar ayaa mar kale caddeysay taageerada ay u hayso midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo diidmo adag ka muujisay tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimi karta midnimada dhuleed ama ku xadgudbi karta madax-bannaanida dalka.
Labada wasiir ayaa sidoo kale is-weydaarsaday aragtiyo ku saabsan xaaladda Geeska Afrika, iyagoo isku raacay muhiimadda ay leedahay xoojinta hay’adaha qaran iyo sii wadidda wada-shaqeynta lagu xaqiijinayo nabadda, xasilloonida iyo horumarka gobolka.
Waxa ay sidoo kale isla gartay in la sii ambaqaado natiijooyinkii shirkii wadatashiga ahaa ee Masar ku martigelisay magaalada El-Alamein bishii Oktoobar.
Dhanka kale, kulankii dhexmaray wasiirrada Arrimaha Dibadda Masar iyo Jabuuti ayaa lagu falanqeeyay fursadaha lagu ballaarin karo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo maalgashiga.
Wada-hadallada ayaa sidoo kale taabtay iskaashiga tamarta, saadka, dekedaha, isku-xirka gaadiidka badda iyo kaabeyaasha dhaqaalaha, iyadoo la isla eegay sidii loo kordhin lahaa ganacsiga iyo maalgashiga labada dal.
Wasiirka Masar ayaa xusay muhiimadda ay leedahay iskaashiga farsamo iyo barnaamijyada kor loogu qaadayo awoodda hay’adaha, isaga oo sidoo kale kala hadlay dhiggiisa Jabuuti xaaladaha amni iyo siyaasadeed ee Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya iyo Suudaan.
Kulamadan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan muhiimadda istaraatiijiyadeed ee Badda Cas iyo marin-biyoodka gobolka, kuwaas oo door weyn ku leh ganacsiga caalamiga ah, isu-socodka maraakiibta iyo amniga gobolka, waxaana dhanka kale Itoobiya oo aan bad lahayni ay dedaal ugu jirtaa sidii ay saameyn ugu yeelan lahayd arrimaha Badda Cas.
From the comments