Goobjoog

Soomaaliland oo Sheegtay inay Tillaabo Adag ka Qaadayso Dad Dhowaan Gubay Guryo Oramo Degantahay

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay tallaabooyin adag ka qaadayso dad lagu eedeeyay inay ajaaniibta Itoobiyaanka ah ku beegsadeen magaalada Boorama, iyadoo cambaareysay falalkaas

Soomaaliland oo Sheegtay inay Tillaabo Adag ka Qaadayso Dad Dhowaan Gubay Guryo Oramo Degantahay

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay tallaabooyin adag ka qaadayso dad lagu eedeeyay inay ajaaniibta Itoobiyaanka ah ku beegsadeen magaalada Boorama, iyadoo cambaareysay falalkaas.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliland Barkhad Jaamac Batuun ayaa sheegay in falalka lagu bartilmaameedsaday muwaadiniinta Itoobiyaanka ah ay yihiin kuwo aan la aqbali karin, isla markaana aysan xukuumaddu u dulqaadan doonin cid kasta oo ku lug yeelata.

Wasiirku wuxuu caddeeyay in dadka ajaaniibta ah ee ku sugan deegaannada Somaliland ay leeyihiin xuquuq, isla markaana aan loo oggolaan karin in si sharci-darro ah loo dhibaateeyo ama dhulka looga eryo.

“Falalka lagu beegsaday ajaaniibta ee ka dhacay Boorame waxa ay liddi ku yihiin Somaliland, mana u dulqaadanayno. Waxaan tallaabooyin adag ka qaadaynaa ciddii falkaas samaysay, dadka ajaaniibta ah dhulkayaga waxay ku leeyihiin xuquuq lamana eryi karo,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliland.

Hadalkan ayaa imanaya kaddib falal lagu beegsaday dad Itoobiyaan ah oo ku nool magaalada Boorama, kuwaas oo dhaliyay walaac la xiriira amniga iyo badbaadada ajaaniibta ku sugan magaalada.
Xukuumadda Soomaaliland ayaa muujisay inay doonayso in la ilaaliyo amniga dadka ajaaniibta ah, iyadoo digniin u dirtay cid kasta oo ku kacda falal ka dhan ah dadka ku nool deegaannada Soomaaliland.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments