Mareykanka ayaa ansixiyay in Sacuudiga laga iibiyo hub casri ah oo lagu qiimeeyay $9 bilyan oo dollar, kaas oo ay ku jiraan 730 gantaal oo ka mid ah nidaamka difaaca hawada Patriot iyo qalab dhameystiran oo la xiriira difaaca hawada.
Iibkan ayaa qeyb ka ah qorshaha Mareykanka ee lagu xoojinayo awoodda difaaca hawada ee Sacuudiga, iyadoo la siinayo hub casri ah oo lagula dagaalami karo khataraha cirka ka iman kara, sida gantaalada iyo diyaaradaha weerarka ah.
Heshiiskan waxaa ku jira gantaalo Patriot Advanced Capability-3 (PAC-3 MSE) oo ah kuwo aad u horumarsan iyo qalab kale oo dhameystiran oo taageeraya nidaamka difaaca hawada, sida qalabka tababarka, qaybo beddelka ah, iyo software-ka nidaamka.




From the comments