Ciidamada gurmadka Kenya ayaa markii ugu horreysay helay meydka qof ku dhintay dhisme ka kooban 18 dabaq oo toddobaad ka hor ku dumay xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi.
Meydka oo la aqoonsaday inuu yahay haweeney ayaa laga soo dhex saaray burburka shubka iyo biraha dhismaha, iyadoo weli la la’yahay 16 qof oo la rumeysan yahay inay ku hoos jiraan burburka dhismaha.
Kooxaha gurmadka ayaa sii wada baadigoobka dadka laga yaabo inay ku xayiran yihiin dhismaha dumay, waxaana howlgalka loo adeegsaday qalabka casriga ah ee kuleylka lagu ogaado (Thermal Imaging), si loo raadiyo dad nool oo laga yaabo inay ku hoos jiraan burburka.




From the comments