Waxaa sii xoogeysanaya doodda ku saabsan madaxbannaanida gobolka Kabylia ee dalka Aljeeriya, kaddib qoraallo lagu daabacay warbaahinta Israa’iil iyo hindise uu soo jeediyay xildhibaan Israa’iili ah ay dib u soo nooleeyeen su’aalaha ku saabsan mowqifka Israa’iil ee dhaqdhaqaaqa doonaya gooni-isu-taagga gobolkaas.
Qoraallo aragtiyeed oo lagu daabacay wargeyska The Times of Israel ayaa ku baaqay in Israa’iil ay si dhab ah uga fiirsato arrinta Kabylia, halka bishii Janaayo 2026 uu xildhibaan Israa’iili ah soo jeediyay in Israa’iil aqoonsato madaxbannaanida gobolkaas.
Dhaqdhaqaaqa Madaxbannaanida Kabylia, oo loo yaqaan MAK, ayaa bishii Diseembar 2025 magaalada Paris kaga dhawaaqay madaxbannaanida gobolkaas, balse ku dhawaaqistaasi waxay ahayd mid siyaasadeed, mana aysan horseedin aqoonsi caalami ah oo rasmi ah.
Dowladda Aljeeriya ayaa si adag uga soo horjeedda gooni-isu-taagga Kabylia, maadaama gobolkaasi yabay qayb ka mid ah dhulkeeda, waxaana
Arrintani ay sidoo kale dib u soo celisay eedeymo hore oo ay Aljeeriya u jeedisay Israa’iil iyo Marooko, kuwaas oo ay ku eedaysay inay taageeraan dhaqdhaqaaqyo gooni-isu-taag ah.
Dhanka kale, muranka ayaa daba socata Xadgudubkii Israa’iil ee midnimada Soomaaliya, tallaabadaas oo ay
Aljeeriya Qaramada Midoobay ka sheegtay inay xadgudub lagu kala qaybinayo Soomaaliya.
Dadka arrintan wax ka qoray qaarkood ayaa Israa’iil ku eedeeyay inay isku dayayso in dalalka Afrika loo kala qaybiyo maamulo yaryar, si ay saameyn ugu yeelato arrimohooda gudaha.
Fallanqeeyaasha qaar ayaa soo bandhigay qoraal la qoray 1982-kii oo loo yaqaan Yinon Plan, kaas oo ka hadlayay dib-u-qaabaynta siyaasadeed ee Bariga Dhexe, waxaana qoraalkaasi ku saabsanaa damaca Israa’iil ay ku doonayso inay saameyn ku yeelato qaaradda.
Si kastaba ha ahaatee maamulka Israa’iil ayaa haatan kala qeybin iyo xadgudub ku haya dalalka Soomaaliya, Falastiin, Lubnaan, Suuriya, Yemen, Iiraan, iyo Aljeeriya
From the comments