Warbixin ay soo saartay IGAD ayaa sheegtay in ku dhowaad 49 milyan oo qof oo ku nool Bariga Afrika ay wajahayaan cunno-yari ba’an.
Abaaraha soo noqnoqday, isbeddelka cimilada iyo colaadaha ayaa lagu tilmaamay sababaha ugu waaweyn, halka in ka badan 19 milyan oo qof ay ku barakacsan yihiin gudaha dalalkooda.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa dhanka kale dowladda federaalka ku eedeeyey inay ku guuldarreysatay inay mudnaan ku filan siiso xaaladda bani’aadannimo iyo dadka barakacayaasha ah.



From the comments