Baydhabo, 17 Sebtembar 2026: Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta shir-guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirada Dowladda Koonfur Galbeed, kaas oo looga hadlay xaaladda amniga, maamulka, fatahaadaha iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Golaha Wasiirada ayaa si gaar ah uga hadlay xoojinta amniga deegaannada Koonfur Galbeed iyo sidii loo sii adkeyn lahaa wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo maamulka, si loo xaqiijiyo nabadgelyada shacabka.
Sidoo kale, kulanka waxaa lagu soo qaaday u diyaar-garowga fatahaadaha iyo saameynta El Niño, iyadoo la qiimeeyey qorshayaasha loogu talagalay ka hortagga iyo yareynta saameynta fatahaadaha iyo xaaladaha cimilada, gaar ahaan deegaannada ay bulshada ugu nugushahay.



From the comments