Dhuusamareeb, Soomaaliya – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Galmudug, Mudane Axmed Cismaan Aadan, ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ka daah-furay kulanka saddex-biloodlaha ah ee Madasha Isku-duwidda Xasilinta ee wasaaradaha Galmudug.
Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi, Agaasimaha Madaxtooyada Galmudug, Mudane Cismaan, agaasimayaasha wasaaradaha Galmudug, maamulka degmooyinka ay ka socdaan mashaariicda xasilinta iyo wakiillo ka socday hay’adaha Qaramada Midoobay.
Intii uu kulanku socday, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray qiimeynta halka ay marayaan mashaariicda xasilinta ee ka socda deegaannada Galmudug, caqabadaha hortaagan hirgelintooda iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta iyo isku-duwidda hay’adaha dowladda iyo bahwadaagta caalamiga ah.




From the comments