Goobjoog

Dowladda Soomaaliya oo ka shiraysa xoojinta sugnaanta cuntada, nafaqada iyo la qabsiga isbeddelka cimilada

MUQDISHO (Goobjoog News) – Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay shir farsamo oo uu soo qabanqaabiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo diiradda lagu saaray horumarinta hannaanka cuntada, nafaqada…

Dowladda Soomaaliya oo ka shiraysa xoojinta sugnaanta cuntada, nafaqada iyo la qabsiga isbeddelka cimilada

MUQDISHO (Goobjoog News) – Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay shir farsamo oo uu soo qabanqaabiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo diiradda lagu saaray horumarinta hannaanka cuntada, nafaqada iyo la qabsiga isbeddelka cimilada.

Shirka waxaa si rasmi ah u furay Muuse Maxamed Cusmaan, Agaasimaha Hannaanka Cuntada iyo Isbeddelka Cimilada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxaana ka qaybgalay Cabdiraahiid Sayid, Lataliyaha Sare ee Hannaanka Qaran ee Cuntada, Nafaqada iyo Cimilada, iyo wakiillo ka socday wasaaradaha dowladda Federaalka Soomaaliya.

Intii uu socday kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, isku-duwidda qorshayaasha iyo dadaallada lagu horumarinayo sugnaanta cuntada iyo nafaqada bulshada.

Sidoo kale, waxaa laga hadlay sidii loo xoojin lahaa awoodda dalka ee la qabsiga saameynta isbeddelka cimilada, maadaama abaaraha, fatahaadaha iyo xaaladaha kale ee cimilo ay saameyn ku yeeshaan wax-soo-saarka cuntada iyo nolosha bulshada.

Shirkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo iskaashiga hay’adaha dowladda iyo dejinta hannaan mideysan oo wax looga qabanayo caqabadaha la xiriira cuntada, nafaqada iyo isbeddelka cimilada.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments