Muqdisho, 16 Sebteembar 2026 — Roob mahiigaan ah ayaa xalay ka da’ay qaybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho, kaas oo sababay in waddooyin iyo goobo kala duwan ay biyo fariistaan, iyadoo magaalada ay wajahday xaalad la xiriirta fatahaadaha iyo biyo-mareennada oo aan si wanaagsan u qaadin biyaha roobka.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ayaa sheegay in roobabka waaweyn ee la xiriira saameynta El Niño, ee hore looga digay, aysan weli si buuxda u bilaaban, taasoo sare u qaadaysa walaaca laga qabo haddii roobab ka culus kuwa xalay da’ay ay magaalada ku soo wajan yuhiin.
Roobka xalay ka da’ay Muqdisho ayaa mar kale muujiyay nuglaanta magaalada, gaar ahaan meelaha ay biyo-mareennadu xiran yihiin ama aan lahayn nidaam ku filan oo biyaha roobka looga saaro.



From the comments