BAGDAAD (Goobjoog News) — Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa mar kale xaqiijiyey taageerada uu u hayo midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Taageeradan ayaa lagu muujiyey kulan dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cali, iyo Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka, Ismaaciil Ould Sheekh Axmed, kaas oo ka dhacay magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq.
Kulanka ayaa qabsoomay intii ay socdeen hawlaha kalfadhiga 52-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee OIC, waxaana labada dhinac ay ka wada hadleen xiriirka Soomaaliya iyo ururka iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac.




From the comments