Dowladaha Shiinaha iyo Jabuuti ayaa mar kale xaqiijiyey taageeradooda madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo si cad uga horyimid dhaqdhaqaaqyada lagu doonayo in Soomaaliland loo aqoonsado dal madax-bannaan.
Labada dowladood ayaa mowqifkan ku shaaciyey bayaan wadajir ah oo soo baxay kaddib kulan magaalada Beijing ku dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha, Wang Yi, iyo dhiggiisa Jabuuti, Cabdulqaadir Xuseen Cumar, kaas oo diiradda lagu saaray xiriirka labada dal iyo xaaladda amni ee gobolka Geeska.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in Shiinaha iyo Jabuuti ay si buuxda u taageerayaan dadaallada Soomaaliya ay ku ilaalinayso madaxbannaanideeda qaran iyo wadajirka dhuleed, iyagoo ka soo horjeestay isku day kasta oo lagu doonayo in Soomaaliland lagu helo aqoonsi diblomaasiyadeed.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ku celiyey in Somaliland ay tahay qayb aan ka go’i karin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay diidan yihiin in Soomaaliland loo aqoonsado dal madax-bannaan.
Bayaanka ayaa sidoo kale muujiyey diidmada labada dowladood ee wax kasta oo ay ku tilmaameen iskaashi ama isku-xirnaan dhex marta Soomaaliland iyo maamulka Taiwan, arrintaas oo Shiinuhu si gaar ah uga soo horjeedo, maadaama uu Taiwan u arko qayb ka mid ah dhulkiisa.
Mowqifkan ayaa ku soo aadaya xilli arrinta aqoonsiga Soomaaliland ay mar kale noqotay qodob xasaasi ah oo saameyn ku leh xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo dalalka gobolka, gaar ahaan kaddib markii Israa’iil ay bishii Diseembar 2025 ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay dal madax-bannaan, tallaabadaas oo dhalisay cambaareyn uga timid Soomaaliya iyo dalal kale.
From the comments