Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Iran ayaa si adag u cambaareysay falal ay ku tilmaantay xadgudubyo joogto ah oo ay Israel ku hayso madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Bayaan rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in tallaabooyinka Israa’iil ay yihiin “kuwo si cad uga hor imanaya madaxbannaanida dalalka kale,” isla markaana halis gelinaya xasilloonida guud ee gobolka iyo midnimada dalalka Islaamka.
“Iraan waxay si adag u diiddan tahay faragelin kasta oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee Soomaaliya, waxayna u aragtaa falalkan isku day lagu wiiqayo dowladnimada iyo kala dambeynta gobolka,” ayaa lagu yiri bayaanka.



From the comments