Amiirka Dowladda Qatar, Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani, ayaa khudbad uu ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ku celiyay taageerada Qatar ee madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Amiirka Qatar ayaa hadalkiisa ku sheegay in dalkiisu si adag u taageerayo Soomaaliya, isagoo Soomaaliya ku tilmaamay dal walaal ah, wuxuuna si cad u yiri in Qatar ay si adag u taageereyso madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Hadalkan ayaa yimid xilli Golaha Guud ee Qaramada Midoobay uu New York ka socdo, iyadoo madaxda dalalka dunidu ay ka hadlayaan arrimo ay ka mid yihiin nabadda, amniga, madax-bannaanida dowladaha iyo xallinta khilaafaadka. Kalfadhiga 81-aad ayaa furmay 8-dii Sebtembar, halka doodda guud ee madaxda dowladuhuna ay socoto 22–28-ka Sebtembar 2026.




From the comments