Soomaalida ayaa sanadihii u dambeeyay si weyn uga dhex muuqday siyaasadda iyo maamulka sare ee dalka Itoobiya, iyadoo xubno Soomaali ah ay qabteen xilal muhiim ah oo ka tirsan Jagooyinka dowladda federaalka Itoobiya.
Mid kamid ah tallaabooyinka ugu muhiimsan ayaa ahayd markii Axmed Shide loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Shacabka Itoobiya, kaddib markii loo magacaabay Wasiirka Maaliyadda dalka.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dhisay xukuumaddiisa cusub, iyadoo Soomaalida Itoobiya ay ka heshay xil wasiirnimo oo muhiim ah, kaas oo qeyb ka ah hoggaanka dowladda dhexe ee fadhigeedu yahay Addis Ababa.




From the comments