Muqdisho, Soomaaliya – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta warbixin guud ka dhageystay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taas oo la xiriirtay xaaladda guud ee ciidanka, howlgallada socda iyo qorshayaasha horumarinta ciidamada.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa Madaxweynaha ka warbixiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee lagu ciribtirayay cadowga umadda Soomaaliyeed ee Shabaab iyo guulaha laga gaaray sugidda amniga dalka.
Sidoo kale, Taliyaha ayaa Madaxweynaha la wadaagay qorshayaasha dhow iyo kuwa fog ee lagu horumarinayo, laguna casriyeynayo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si ay u yeeshaan awood buuxda oo ay ku xaqiijiyaan amniga iyo xasilloonida dalka.



From the comments