Goobjoog

Madaxweyne Xasan Sheekh oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay toddobo safiir oo cusub

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Muqdisho ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga toddobo safiir oo cusub oo dalalkooda u soo magacaabeen Soomaaliya, iyadoo tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dhaqaale ee Soomaaliya iyo dalalka caalamka.

Safiirrada cusub ayaa ka kala socday Aljeeriya, Brazil, Hindiya, Mali, Myanmar, Nigeria iyo Pakistan, waxayna kala yihiin Mohamed Alim oo ah safiirka Aljeeriya, Joao Alfredo Dos Anjos oo matalaya Brazil, Dr. Adarsh Swaika oo ah safiirka Hindiya, Dr. Madou Diallo oo ka socda Mali, Aung Min Oo oo matalaya Myanmar, Danlami Ibrahim oo ah safiirka Nigeria iyo Aqsa Nawaz oo ah safiirka Pakistan.

Intii ay munaasabadda ka socotay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, safiirradu waxay Madaxweyne Xasan Sheekh uga warbixiyeen qorshayaashooda iyo mudnaanta ay siinayaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dalalkooda iyo Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa dhankiisa ku boorriyay safiirrada cusub inay muddada ay xilalka hayaan ka shaqeeyaan sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dhinac, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, ganacsiga, maalgashiga, horumarinta, amniga iyo arrimaha bulshada.

Safiirrada ayaa sidoo kale Madaxweynaha soo gaarsiiyay farriimo iyo salaan ay uga sideen madaxda dalalkooda, iyagoo caddeeyay sida ay uga go’an tahay dowladahooda in la sii xoojiyo xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga ay la leeyihiin Soomaaliya.

Munaasabadda ayaa ku soo beegmaysa xilli Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu ballaarinayo xiriirrada diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dhaqaale ee ay la leedahay dalalka Afrika, Aasiya iyo Koonfurta Ameerika. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale dooneysa inay xiriirrada caalamiga ah u beddesho iskaashi wax-ku-ool ah oo horseeda ganacsi, maalgashi, amni iyo horumar.

Ka Hel Goobjoog Wixii Cusub

From the comments