Goobjoog

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kormeeray Dugsiga Farsamada Gacanta ee Gaalkacyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kormeer ku tagay Dugsiga Farsamada Gacanta ee Prof. Cadow, magaalada Gaalkacyo. Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhageystay maamulka dugsiga, isagoo sidoo kale booqday…

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kormeeray Dugsiga Farsamada Gacanta ee Gaalkacyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kormeer ku tagay Dugsiga Farsamada Gacanta ee Prof. Cadow, magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhageystay maamulka dugsiga, isagoo sidoo kale booqday fasallada, goobaha tababarka iyo qeybaha kala duwan ee xarunta. Dugsiga ayaa ardayda lagu baraa xirfado ay ka mid yihiin korontada, dhismaha, cilmiga kombiyuutarrada iyo farsamada gaadiidka.

Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay Dowlad Goboleedka Galmudug, gaar ahaan dadaallada lagu horumarinayo waxbarashada farsamada gacanta iyo kobcinta xirfadaha dhallinyarada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in maalgelinta xarumaha farsamada gacantu ay muhiim u tahay yareynta shaqo la’aanta, maadaama ay dhallinyarada siinayaan aqoon iyo xirfado ay ku shaqaysan karaan, isla markaana ay ku abuuran karaan fursado shaqo oo cusub.

Ka Hel Goobjoog Wixii Cusub

From the comments