Goobjoog

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kaga hadlay caqabadaha dunida ka jira Shirka Dalalka Dhex-dhexaadka ah

Belgrade, Serbia – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qayb galay Shirka Dalalka Dhex-dhexaadka ah ee ka furmay magaalada Belgrade ee dalka Serbia. Madaxweynaha ayaa khudbad…

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kaga hadlay caqabadaha dunida ka jira Shirka Dalalka Dhex-dhexaadka ah

Belgrade, Serbia – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qayb galay Shirka Dalalka Dhex-dhexaadka ah ee ka furmay magaalada Belgrade ee dalka Serbia.

Madaxweynaha ayaa khudbad uu ka jeediyay shirka ku soo bandhigay caqabadaha amni, siyaasadeed iyo dhaqaale ee dunida maanta horyaalla, isaga oo xusay in colaadaha, argagixisada, xiisadaha juqraafi siyaasadeed iyo isbeddelka cimiladu ay u baahan yihiin iskaashi iyo wadajir caalami ah.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shirka ka hor jeediyay horumarka Soomaaliya iyo dadaallada Dowladda Federaalka ee ku aaddan xasilloonida, dib u dhiska iyo horumarinta dalka, isaga oo uga mahadceliyay bahwadaagta caalamiga ah taageerada ay siiyaan Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa adkeeyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay mabaadii’da Dhaqdhaqaaqa Dalalka Dhex-dhexaadka ah, gaar ahaan dhowrista madaxbannaanida, midnimada dhuleed, caddaaladda, sinnaanta iyo xallinta khilaafaadka.

Ka Hel Goobjoog Wixii Cusub

From the comments