Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaaray magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida halkaas oo uu si rasmi ah loogu soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Axmed, iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qaybgalaya kulamo heer sare ah oo looga hadlayo iskaashiga siyaasadeed, amni, iyo horumarineed ee u dhexeeya Soomaaliya, Itoobiya iyo Djibouti.
Mas’uuliyiintan iyo xubno kale ayaa lagu casuumay ka qaybgalka xafladda xarig jarka mashruuca dalxiiska Shabeelleey, ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.




From the comments