Goobjoog

Madaxweyne Xasan Sheekh oo daah-furay sannad-tacliimeedka cusub ee jaamacadaha dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay sannad-tacliimeedka 2026/2027 ee waxbarashada sare iyo jaamacadaha dalka. Munaasabadda furitaanka sannad-dugsiyeedka cusub ayaa ka dhacday…

Madaxweyne Xasan Sheekh oo daah-furay sannad-tacliimeedka cusub ee jaamacadaha dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay sannad-tacliimeedka 2026/2027 ee waxbarashada sare iyo jaamacadaha dalka.

Munaasabadda furitaanka sannad-dugsiyeedka cusub ayaa ka dhacday xarunta dhexe ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, iyadoo Madaxweynaha uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay waxbarashadu u leedahay horumarka iyo dib-u-dhiska dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in horumarka Soomaaliya uu si weyn ugu xiran yahay tayeynta waxbarashada, kobcinta aqoonta iyo maalgelinta dhallinyarada, isaga oo xusay in jaamacaduhu ay laf-dhabar u yihiin diyaarinta jiil leh aqoon iyo xirfad uu hoggaaminta iyo horumarinta dalka kaga qayb qaato.

Intii ay munaasabadda socotay, Madaxweynaha ayaa daah-furay Hindisaha ABUUR, oo loogu talagalay kobcinta hal-abuurka, curinta iyo xirfadaha ganacsi ee ardayda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xarigga ka jaray dhismayaal cusub oo laga hirgeliyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhismayaasha kulliyadaha Jaamacadda, xarunta guddiga caafimaadka arrimaha Carabta iyo xarunta gurmadka degdegga ah iyo daryeelka xaaladaha halista ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale dhagax-dhigay dhismaha guriga martida ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo xarunta Hal-abuurka iyo Cilmi-baarista, kuwaas oo la filayo inay xoojiyaan tayeynta waxbarashada sare, tababarrada caafimaadka iyo cilmi-baarista dalka.

Daah-furka sannad-tacliimeedka cusub ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku horumarinayso waxbarashada sare iyo sidii loo heli lahaa jiil Soomaaliyeed oo leh aqoon, xirfad iyo hal-abuur.

Ka Hel Goobjoog Wixii Cusub

From the comments