Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qaybgalay munaasabadda xiritaanka bandhigga sannadlaha ah ee la-xisaabtanka Wasaaradaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay natiijooyinka waxqabadka Wasaaradaha, heerka ay ka gaareen fulinta qorshayaashii loo dejiyay, bartilmaameedyadii loo asteeyay iyo waajibaadyadii ay gudanayeen sannadka 2026.
Madaxweynaha ayaa billado guddoonsiiyay Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda, kuwaas oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeyntii waxqabadka Wasaaradaha ee sannadkan.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ku abaalmariyay hirgelinta hannaanka danabaysan ee lagu la socdo laguna qiimeeyo waxqabadka Wasaaradaha dowladda.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyay dadaalka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan hirgelinta qorshayaasha dowladda iyo horumarinta adeegyada bulshada, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay la-xisaabtanka hay’adaha dowladda, hufnaanta shaqada iyo qiimeynta joogtada ah ee natiijooyinka waxqabadka.
Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Wasiirrada iyo hay’adaha dowladda ku booriyay in guulaha iyo natiijooyinka la gaaray ay noqdaan saldhig lagu sii xoojinayo waxqabadka, isla markaana la saxo meelaha ay ka jiraan gaabisyada u baahan dardargelinta.
Wuxuu xusay in qorshayaasha dowladda ay muhiim tahay inay si muuqata uga tarjumaan baahiyaha iyo danta shacabka Soomaaliyeed.
From the comments