Shabeellaha Dhexe – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay tuulada Bur Saruur ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo lagu dilay 12 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.
Howlgalka ayaa ka dhacay tuulada Bur Saruur, oo qiyaastii 2 KM koonfur-bari kaga beegan deegaanka Cali-Gaduud, waxaana si gaar ah loogu bartilmaameedsaday goob ay isku uruursanayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Sida lagu sheegay warbixinta, howlgalka ayaa lagu burburiyay agab ciidan iyo goobo ay Al-Shabaab gabbaad ka dhigteen.




From the comments