CADAN (Goobjoog News) — Ciidamada dowladda Yemen ee loo yaqaanno National Resistance Forces (NRF) ayaa shaaciyay in meydadka dagaalyahanno Soomaali ah oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab laga dhex helay maleeshiyaad Xuutiyiin ah oo lagu dilay dagaallo culus oo ka dhacay deegaannada dhaca xeebaha galbeedka dalkaas.
Warbixinnada laga helay saraakiisha NRF ayaa lagu sheegay in dukumentiyo, waraaqo, iyo agab laga helay goobta ay yaalleen meydadka ay muujinayaan in raggaasi ay xiriir toos ah la lahaayeen Al-Shabaab, isla markaana ay qayb ka ahaayeen dagaallada ay Xuutiyiintu kaga soo horjeedaan ciidamada dowladda Yemen.
Haddii arrintan si madax-bannaan loo xaqiijiyo, waxay noqonaysaa caddayntii ugu horreysay ee muujinaysa in iskaashiga u dhexeeya labada kooxood uu gaaray heerkii ugu sarreeyay, kaas oo ah ka-qaybgal toos ah oo dagaal oo ka tallaabay xuduudaha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.



From the comments