Goobjoog

Kumaandooska Danab oo 14 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab ku dilay howlgal ka dhacay Gobolka Bay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, ayaa howlgal qorshaysan oo ay 4-tii Sebtembar 2026 ka fuliyeen deegaanka Buula-Fulaay ee Gobolka Bay ku dilay 14 xubnood oo ka tirsanaa…

Kumaandooska Danab oo 14 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab ku dilay howlgal ka dhacay Gobolka Bay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, ayaa howlgal qorshaysan oo ay 4-tii Sebtembar 2026 ka fuliyeen deegaanka Buula-Fulaay ee Gobolka Bay ku dilay 14 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Sida war-saxaafadeedka lagu sheegay, xubnaha lagu dilay howlgalka ayaa isugu jiray shan horjooge iyo sagaal ka mid ah ilaaladii la socotay.

Horjoogayaasha lagu dilay howlgalka ayaa waxaa ka mid ahaa Bishaar Maxamed Muqtaar (Sheekh Bishaar), oo kooxda u qaabilsanaa waxa ay ugu yeeraan qaadiga Gobolka Gedo, isla markaana hore uga soo shaqeeyay gobollada Bay iyo Shabeellaha Hoose.

Waxaa sidoo kale la dilay Cali Nuur Maxamed Idiris, oo ka mid ahaa horjoogayaashii hoggaaminayay maleeshiyaadka kooxda ee Gobolka Bay, laguna eedeeyay inuu door ku lahaa abaabulka weerarro lagu qaaday magaalada Baydhabo.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in howlgalka lagu dilay Xuseen Xasan Daahir (Lahelow), oo kooxda ugu magacawnaa amiirka sariyada Gobolka Bay, iyo Nuur Cabdullaahi Xaashi (Sudeysi), oo ahaa horjoogaha qaraxyada kooxda ee gobolka.

Horjoogaha shanaad ee lagu dilay howlgalka ayaa lagu magacaabay Cumar Xasan Xuseen, kaas oo ka tirsanaa qaybta kooxda u qaabilsan qaraxyada iyo shabakadaha ka howlgala gobollada dalka.

Dhanka kale, dowladda ayaa sheegtay in dhaawacyo culus lagu gaarsiiyay Jacfar Abuu Xamsa, oo kooxda ugu magacawday “Waaliga Gobolka Bay”, iyo Xasan Ibraahim, oo ka tirsanaa waaxda kooxda u qaabilsan baadda iyo lacagaha sharci-darrada ah.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in howlgalkaasi uu dharbaaxo weyn ku yahay hoggaanka, awoodda abaabulka iyo shabakadaha qaraxyada Al-Shabaab ee Gobolka Bay.

Ciidamada Qalabka Sida ayaa adkeeyay inay sii wadi doonaan howlgallada qorshaysan ee lagu beegsanayo horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka kooxda, si loo wiiqo awooddooda loona xoojiyo amniga iyo xasilloonida dalka.

Ka Hel Goobjoog Wixii Cusub

From the comments