Goobjoog

DEG DEG AH: NISA iyo saaxiibada caalamka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Daniga Baalow

Shabeellaha Hoose: Howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo saaxiibada caalamka ayaa goor dhow ka dhacay deegaanka Daniga Baalow ee Gobolka Shabeellaha Hoose.…

DEG DEG AH: NISA iyo saaxiibada caalamka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Daniga Baalow

Shabeellaha Hoose: Howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo saaxiibada caalamka ayaa goor dhow ka dhacay deegaanka Daniga Baalow ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ayaa lagu beegsaday gaari ay la socdeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda shabaab, kaas oo la sheegay in uu siday qaraxyo iyo hub.

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in howlgalka lagu gaarsiiyay kooxda Khawaarijta khasaare xooggan, iyadoo sidoo kale la bartilmaameedsaday gaadiid iyo agab ay maleeshiyaadku adeegsanayeen.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda kooxda Shabaab iyo in laga hortago falalka ay khatarta ku gelinayaan amniga shacabka iyo guud ahaan dalka.

Deegaanka Daniga Baalow ayaa horey uga mid ahaa goobaha ay ciidamada dowladda iyo kuwa ammaanka ka fuliyeen howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha iyo natiijada howlgalka ayaa la filayaa inay soo baxdo marka ay hay’adaha ammaanku soo saaraan xog rasmi ah.

Ka Hel Goobjoog Wixii Cusub

From the comments