Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada Kumaandooska Danab, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Buula Fulay ee gobolka Baay, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Wasaaradda ayaa sheegtay in howlgalka ay ciidamadu ku dileen 14 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, iyadoo sidoo kale burburiyay saldhig ay maleeshiyadu ku dhuumaalaysanayeen.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku ciribtirayaan maleeshiyada Al-Shabaab, isla markaana lagu sugayo amniga iyo xasiloonida deegaannada ay ciidamada dowladdu howlgallada ka wadaan.



From the comments