Muqdisho, 27 Oktoobar 2026 – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2027, taas oo dhan 1.259 bilyan oo dollar, kaddib kulan gaar ah oo maanta ay yeesheen.
Kulanka oo uu shir-guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, Saalax Axmed Jaamac, ayaa sidoo kale looga hadlay xaaladda amniga dalka iyo howlgalada ciidamada qalabka sida ay ka wadaan deegaannada ay ku sugan yihiin kooxaha Al-Shabaab.
Golaha Wasiirrada ayaa warbixin ku saabsan amniga ka dhageystay Wasaaradda Amniga Gudaha, taas oo soo bandhigtay guulaha ay ciidamada Soomaaliyeed ka gaareen howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo dadaallada socda ee lagu sugayo amniga dalka.




From the comments