MUQDISHO — Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa shir guddoomiyey kulanka 11-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka, kaas oo ka tirsan Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaa sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Guddoomiyaha ayaa xubnaha Guddiga Joogtada ah warbixin ka siiyey natiijooyinka Shirweynihii 153-aad ee Midowga Baarlamaanada Adduunka (IPU) iyo kulankii 21-aad ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Bulshada Bariga Afrika (EAC), kuwaas oo labaduba lagu qabtay magaalada Arusha ee dalka Tanzania.




From the comments