Dhuusamareeb, 5 Nofeembar 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta ka qeybgalay munaasabadda caleema-saarka hoggaanka cusub ee Dowlad-goboleedka Galmudug oo lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb.
Guddoomiyaha ayaa munaasabadda kala qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamsa Cabdi Barre, hoggaamiyeyaasha dowlad-goboleedyada, xubno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka, siyaasiyiin, odayaal dhaqameed iyo marti sharaf kale.
Munaasabadda ayaa lagu caleema-saaray Hoggaamiyaha cusub ee Galmudug, Liiban Axmed Xasan, iyo ku-xigeenkiisa Cabdiweli Ibraahim Aadan (Garyare).




From the comments