Goobjoog

UNICEF Oo Ka Digtay In Ka Badan 600 Oo Xarumo Oo Caafimaad Ay Halis Ugu Jiraan Inay Xirmaan Soomaaliya

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Carruurta ee UNICEF ayaa ka digtay dhibaato xooggan oo ku soo fool leh qaybta caafimaadka Soomaaliya, ka dib markii 205 xarumood oo caafimaad iyo nafaqo…

UNICEF Oo Ka Digtay In Ka Badan 600 Oo Xarumo Oo Caafimaad Ay Halis Ugu Jiraan Inay Xirmaan Soomaaliya

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Carruurta ee UNICEF ayaa ka digtay dhibaato xooggan oo ku soo fool leh qaybta caafimaadka Soomaaliya, ka dib markii 205 xarumood oo caafimaad iyo nafaqo ah ay dalka ka xirmeen dhimista ku timid maalgashiga gargaarka bani’aadannimo awgeed.

Hay’addu waxay sheegtay in wadarta xarumaha xirmi kara ay gaari karto ilaa 618 haddii aan si degdeg ah wax looga qaban dhaqaale-yaraanta baahsan ee jirta, taas oo si toos ah u waxyeellaynaysa carruurta u baahan baaritaanka, daaweynta, iyo adeegyada ka-hortagga ah.

Dhimista ku timid adeegyada aasaasiga ah ayaa dhalisay in lixdii bilood ee ugu horreeyay sannadkan 2026 la diiwaangeliyo koror 32% ah oo ku yimid carruurta xaaladdoodu aadka u daran tahay ee la dhigay xarumaha xasilinta nafaqo-darrada.

UNICEF waxay caddaysay in kororkani aanu ka dhalan oo keliya xanuunno kordhay, balse uu salka ku hayo xarumahii hore u qaban jiray baaritaannada heerka bilowga ah oo la xiray, taas oo hooyooyinka ku qasbeysa safarro dhaadheer, carruur badanna ay xarumaha waaweyn gaaraan xilli ay xaaladdoodu aad u sii xumaatay.

Guud ahaan baaxadda adeegyada caafimaadka iyo nafaqada ee dalka ayaa hoos u dhacday 30%, iyadoo ku dhowaad hal milyan oo carruur ah oo shan sano ka yar, gabdho dhallinyaro ah, iyo haween ay halis ugu jiraan inay waayaan daryeel caafimaad.

Sidoo kale, ku dhowaad 1.9 milyan oo carruur Soomaaliyeed ah ayaa la saadaalinayaa inay wajahaan nafaqo-darro sannadkan, kuwaas oo ku dhowaad nus milyan ka mid ahi ay qabaan nafaqo-darro daran oo u baahan gurmad daaweyn oo degdeg ah.

Xaaladdan bani’aadannimo ee cakiran ayaa waxaa sii kicinaya abaaro ka jira qaybo ka mid ah waqooyiga dalka, colaadaha, barakaca joogtada ah, dalagyada beeraha oo yaraaday, iyo kororka qiimaha nolosha. Waxaa intaas dheer in miisaaniyaddii adeegga duulimaadyada gargaarka ee UNHAS la dhimay 40%, taas oo caqabad adag ku noqotay gaarsiinta dawooyinka iyo shaqaalaha gargaarka deegaannada fog ama goobaha amnigoodu adag yahay xilli laga cabsi qabo daadadka El Niño.

Digniintan ayaa daba socota warbixin ay hay’adda WFP ku sheegtay in lix milyan oo Soomaali ahi ay wajahayaan cunto-yari ba’an, iyadoo hay’addu haysato toban-meelood meel oo keliya dhaqaalihii ay heli jirtay xilligii 2022.

Hay’adaha gargaarka ayaa si wadajir ah ugu baaqay beesha caalamka in degdeg loo kordhiyo dhaqaalaha taageerada, si looga badbaado in gabi ahaanba ay burburaan nidaamyadii caafimaadka ee muddooyinka badan la dhisayay, loona badbaadiyo nolosha malaayiin carruur Soomaaliyeed ah.

Ka Hel Goobjoog Wixii Cusub

From the comments