Waxaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah loogu caleema-saaray Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde, ka dib munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo ay ka soo qeyb-galeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo kamid yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda FederaalkaSoomaaliya Mudane XasanSheekhMaxamuud, siyaasiyiin hore, madax dhaqameed ka kala yimid inta badan gobollada dalka iyo dibedda, ganacsato, Culimo, iyo marti sharaf kale.
Xafladda caleema-saarka ayaa ahayd mid si qurux badan u muujisay hiddo iyo dhaqan Soomaaliyeed, iyadoo ay hadallo kala duwan jeediyeen masuuliyiin, waxgarad iyo odayaal dhaqameed, kuwaas oo dhammaantood adkeeyay muhiimadda hoggaanka dhaqameed ee bulshada.
Mas’uuliyiintii halkaasi ka hadlay ayaa bogaadiyay caleema-saarka Ugaas Cabdirisaaq, iyagoo tilmaamay inuu yahay hoggaamiye leh aqoon, dulqaad iyo waayo-aragnimo ku filan inuu hormuud u noqdo beesha Murusade.
Sidoo kale, waxay xuseen in xilka loo caleemo saaray uu xambaarsan yahay masuuliyad culus oo u baahan caddaalad, isku duubni iyo hoggaan hufan.
Dhankiisa, Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde ayaa uga mahadceliyay bulshada kalsoonida ay ku aamineen, isagoo ballanqaaday inuu ka shaqeyn doono nabadda, midnimada iyo horumarka beesha iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed.
Hoggaanka dhaqanka ayaa ah tiir-dhexaadka bulshada Soomaaliyeed, wuxuuna kaalin muhiim ah ka qaataa xallinta khilaafaadka, nabadaynta iyo ilaalinta wada noolaanshaha bulshada.
Inta badan, madax dhaqameedku waxay leeyihiin saameyn ballaaran oo mararka qaar ka sarreysa tan hoggaanka siyaasadeed, gaar ahaan marka ay timaaddo xal u helidda arrimaha bulshada.
Bulshada Soomaaliyeed waxay leedahay nidaam dhaqameed qoto dheer oo ay hoggaamiyaan odayaal kala duwan sida ugaasyo, suldaanno, garaadyo, islaanno, wabarro, malaaqyo iyo isloow, kuwaas oo dhammaantood ka shaqeeya isku xirka bulshada iyo ilaalinta dhaqanka suuban.
From the comments