Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka (UNESCO) ayaa bilaabay dadaal cusub oo lagu ilaalinayo laguna keydinayo dhaxalka taariikhiga ah ee dalka, gaar ahaan dukumiintiyada iyo kaydka muhiimka ah ee xambaarsan taariikhda Soomaaliya.
Barnaamijkan oo ay taageerayso dowladda Japan, kana socda sanduuqa Japan Funds-in-Trust (JFIT), ayaa lagu qabtay Muqdisho muddo laba maalmood ah. Aqoon-is-weydaarsiga waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin dowladeed, khubaro dhanka hidaha iyo dhaqanka ah, keyd-yaqaanno iyo daneeyayaal kale oo ka shaqeeya ilaalinta dhaxalka qaranka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii Soomaaliya uga faa’iideysan lahayd barnaamijka UNESCO ee Memory of the World Programme, kaas oo ujeeddadiisu tahay ilaalinta dukumiintiyada iyo diiwaannada taariikhiga ah ee qiimaha weyn u leh bulshada caalamka.
Khubaro ka qeyb gashay shirka ayaa soo bandhigtay qiimeyn lagu sameeyay kaydka taariikhiga ah ee Radio Mogadishu, kuwaas oo ay ku jiraan codad, warar iyo xog muhiim ah oo ka tarjumaya dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee taariikhda casriga ah ee Soomaaliya tan iyo sanadkii 1951-kii.
Doodaha ayaa sidoo kale xoogga lagu saaray horumarinta hababka lagu ilaalinayo, lagu dijitaaleynayo isla markaana shacabka loogu fududeynayo helitaanka dukumiintiyada taariikhiga ah.
Khubaradu waxay xuseen in arrintani muhiim u tahay ilaalinta xusuusta qaranka, gaar ahaan kadib tobannaan sano oo ay dalka saameeyeen colaado, barakac iyo burbur hay’adeed.
Ka qeybgalayaashu waxay dib u eegeen habraacyada lagu diiwaangeliyo dhaxalka dukumiintiyada ee UNESCO, iyagoo isla markaana falanqeeyay fursadaha ay Soomaaliya u leedahay in ay soo gudbiso kaydyo qaran oo mudan in heer caalami ah lagu aqoonsado.
Agaasimaha Istaraatiijiyadda Warbaahinta ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Cabdishakuur Cali Axmed, ayaa sheegay in aqoon-is-weydaarsigani uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu ballaarinayo fahamka Soomaaliya ee barnaamijka Memory of the World, isla markaana uu furi doono waddooyin cusub oo lagu badbaadin karo keydka taariikhiga ah ee dalka.
Waxa uu uga mahadceliyay UNESCO, khubarada iyo dhammaan daneeyayaasha ka qeyb qaatay dadaalkan, isagoo muujiyay rajada ah in mashruucani uu gacan ka geysan doono ilaalinta dhaxalka dukumiintiyada Soomaaliyeed si ay uga faa’iideystaan jiilasha mustaqbalka.
ka qeybgalayaashu waxay isku raaceen in la dhiso guddi qaran oo isku dubbaridi doona aqoonsiga, ilaalinta iyo horumarinta dukumiintiyada taariikhiga ah ee Soomaaliya iyadoo la adeegsanayo hannaanada UNESCO.
Khubarada dhaqanka ayaa aaminsan in ilaalinta kaydadka muhiimka ah, gaar ahaan kuwa Radio Muqdisho, ay door weyn ka qaadan doonto xoojinta aqoonsiga qaranka, kobcinta cilmi-baarista iyo hubinta in jiilalka dambe ay helaan xog dhab ah oo ku saabsan taariikhda dalkooda.
From the comments