Malaayiin qof ayaa Arbacadii u soo baxay inay daawadaan dhacdo naadir ah oo cirka ah, kaddib markii qorrax-madoobaad buuxa uu daboolay qaybo ka mid ah Yurub, maalintiina isu beddeshay mugdi.
Qorrax-madoobaadkan ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee laga arko qaaradda Yurub tan iyo 1999-kii, iyadoo madoobaadku uu ka soo gudbay dhulka Arctic-ga, Greenland iyo Iceland, ka hor inta uusan gaarin waqooyiga Spain iyo qayb yar oo waqooyi-bari boortaqiiska ah.
Markii dayaxu uu si buuxda u hor istaagay qorraxda, meelaha ku jiray jidka madoobaadka waxaa muddo ku dhow laba daqiiqo ka dhacay mugdi aan caadi ahayn, waxaana cirka ka muuqday hareeraha iftiinka qorraxda ee loo yaqaan corona.
Qorrax-madoobaadka qayb ahaan ah ayaa isna laga arkay qaybo badan oo Yurub ah iyo meelo ka tirsan Waqooyiga Afrika iyo Waqooyiga Ameerika.
Spain ayaa ka mid ahayd meelihii ugu muhiimsanaa ee lagu daawaday dhacdadan, ayadoo kumannaan dad ah ay isugu soo baxeen goobo kala duwan, halka qaar badan ay safarro gaar ah ku tageen dhulka uu maro jidka madoobaadka buuxa.
Wararka laga helayo Spain ayaa sheegay in dadku ay si weyn ugu riyaaqeen markii cirka uu mugdi galay, waxaana loo arkayay dhacdo taariikhi ah oo dhif iyo naadir ah.
Dhanka Iceland, dad badan ayaa iyaguna sugayay qorrax-madoobaadka, inkastoo xaaladaha cimiladu meelaha qaar ay adkeeyeen in si cad loo daawado.
Qaybo ka mid ah dalka ayaa helay fursad wanaagsan oo lagu arko dhacdada, halka daruuruhu ay meelaha kale daboolayeen muuqaalka.
Qorrax-madoobaadku wuxuu sidoo kale soo jiitay indhaha khubarada cilmiga xiddigiska, sawir-qaadayaasha iyo dalxiisayaasha, kuwaas oo fursad u helay inay diiwaangeliyaan mid ka mid ah dhacdooyinka cirka ee ugu cajiibsan sannadka 2026.
Dhacdadan ayaa xusuus gaar ah ku yeelatay dadka ku nool Yurub, maadaama qorrax-madoobaad buuxa oo qaaradda laga arko uu yahay dhacdo aan si joogto ah u dhicin.
Si kastaba ha ahaatee qorrax-madoobaadka 12-ka Agoosto 2026 wuxuu noqday muuqaal dabiici ah oo malaayiin qof ay si toos ah ama sawirro iyo muuqaallo uga daawadeen, iyadoo qaybo ka mid ah Yurub ay muddo kooban la kulmeen mugdi ku dhacay bartamaha maalinta.
From the comments