Markab shidaal qaada ayaa lagu dhuftay walax aan la aqoonsan oo loo maleynayo inay tahay gantaal ama hub kale, xilli uu marayay biyaha xeebaha Sacuudiga, sida ay sheegtay Hay’adda Hawlgallada Ganacsiga Badda ee Boqortooyada Ingiriiska (UKMTO).
Wararka la helayo ayaa sheegaya in dhacdadu ka dhacday waqooyi-bari magaalada dekedda leh ee Jubayl, halkaas oo markabka lagu dhuftay walaxda aan weli la aqoonsan nooca ay tahay iyo halka laga soo tuuray.
UKMTO ayaa xaqiijisay in dhammaan shaqaalihii markabka ay badqabaan, isla markaana laga daadgureeyay markabka, Ilaa haddana, lama soo sheegin waxyeello deegaanka gaartay, hase yeeshee weli lama faahfaahin khasaaraha kale ee markabka soo gaaray.




From the comments