Isbahaysiga uu hoggaaminayo Mareykanka ayaa soo gabagabeeyay howlgalkii milatari ee uu muddo ka badan toban sano ka waday dalka Ciraaq, kaas oo si rasmi ah loo bilaabay sanadkii 2014-kii, xilli ciidamada isbahaysiga loo diray Ciraaq iyo Suuriya si ay ula dagaallamaan kooxda Daacish.
Ciidamadii ugu dambeeyay ee isbahaysiga ayaa lagu wadaa inay Arbacada ka baxaan gobolka Kurdistaan ee waqooyiga Ciraaq, iyadoo bixitaankaasi uu qayb ka yahay heshiis ay sannadkii 2024 gaareen dowladda Ciraaq iyo Mareykanka, kaas oo lagu heshiiyay in si tartiib ah loo soo afjaro howlgalka isbahaysiga ee gudaha Ciraaq.
Howlgalka isbahaysiga ayaa muddo sanado ah diiradda saarayay dagaalka ka dhanka ah Daacish iyo taageerada ciidamada ammaanka ee Ciraaq, iyadoo isbahaysigu uu qayb ka ahaa dadaalladii lagu wiiqayay awoodda kooxdaasi ee Ciraaq iyo Suuriya.




From the comments