Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kormeer ku tagay Isbitaalka Rajab Tayib Erdoğan ee magaalada Muqdisho, oo hore loogu yaqaanay Isbitaalka Digfeer, halkaas oo lagu daweynayo qaar ka mid ah askarta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku dhaawacmay howlaha amniga.
Taliyaha ayaa intii uu ku guda jiray booqashada u kuurgalay xaaladda caafimaad ee askarta dhaawacantay iyo adeegyada daryeel ee ay ka helayaan isbitaalka.
Waxa uu sidoo kale dhageystay baahiyahooda caafimaad, isagoo muujiyay garab istaag iyo walaaltinimo uu u muujinayo ciidamada ku dhaawacmay gudashada waajibaadkooda.
S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa dhaawacyada Ciidanka u rajeeyay caafimaad degdeg ah, isagoo Alle uga baryay inuu siiyo bogsiin iyo caafimaad taam ah.
Intii uu kormeerka ku jiray, Taliyaha ayaa sidoo kale booqday carruur lagu daweynayo isbitaalka, isagoo wax ka weydiiyay xaaladdooda caafimaad iyo daryeelka ay helayaan, waxa uuna carruurta iyo qoysaskooda u muujiyay dhiirrigelin iyo garab istaag.
Dhanka kale, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa warbixin ka dhageystay maamulka Isbitaalka Rajab Tayib Erdoğan, oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud. Warbixinta ayaa diiradda lagu saaray adeegyada caafimaad ee isbitaalku bixiyo iyo daryeelka loo fidiyo bukaannada iyo dhaawacyada ciidamada.
Booqashada Taliyaha ayaa qeyb ka ah dadaallada Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee lagu xoojinayo daryeelka ciidamada dhaawacmay iyo garab istaagga bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka u baahan adeegyada caafimaad.
From the comments